Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo labo qodob kala hadlay golaha wasiirada K/Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Kulankaasi ayaa lagaga hadlaayay dardargelinta wajiga labaad ee Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo uu weheliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftageen) ayaa Golaha Wasiirrada kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa isla-markaana looga dhabeyn lahaa in dib u heshiiniinta Koonfur Galbeed guul ku soo dhamaato, iyadoo wajiga labaad ee shirka looga hadlaayo xasiloonida siyaasadda iyo xorreynta deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay wasiirada Koonfur Galbeed in ay gutaan masuuliyadda ka saaran adkeynta, ilaalinta midnimada shacabka iyo xorraynta deegaanka ay Koonfur Galbeed kaga sugan yihiin al-shabaab. Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddiga Farsamada Shirka Dib u Heshiisinta Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rabshado ka bilowday magaalada Diri-dhabe iyo Ciidamo badan oo magaalada soo galay

Cabdi Cade

Shuruudaha laga rabo xubnaha u taagan Doorashada Xildhibaannada Puntland oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Daawo:-Maxaa isku xiray qorshaha xirida Jidadka & goobaha uu booqanayo RW Rooble?

admin
Taboola Ads ---