Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiye ku-xigeen KMG ah (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 ee 30-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddoomiye Ku-xigeenka Ku-meel-gaarka ah ee Degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka Waasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiqani Maxamuud Cabdiraxmaan si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay; Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Carmo ee Gobolka Bari.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Related posts

Qoyska Taliye Shaah-macabe oo codsi muhiim ah u diray madaxweybne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Wasiirka Arimaha Gudaha oo faah faahiyay Habraaca Doorashooyinka ay soo bandhigeen

Cabdi Cade

Deni oo xariga ka jaray wadooyin cusub, mid kalena dhagax dhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---