Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka dowladda oo Howlgal ku dilay Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab Hubna la wareegay

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo kaashanayay kuwa deegaanka ayaa shalay howlgal ka fuliyay tuulooyin hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, degmadaas oo ciidamada huwanta ah maalmo kahor la wareegeen.

Howlgalka ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka fuliyeen tuulooyinka hoos yimaada Ceeldheer ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana howlgalkaasi khasaaro badan lagu gaarsiiyay dagaalyahannada Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab oo ku jiraan saraakiil, sidoo kale ay kusoo furteen hub iyo saanad milatari.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay Cabdifitaax Xasan Gaafow oo ahaa sargaal katirsanaa Al Shabaab, ninkan ayaana caan ka ahaa degmada Ceeldheer iyo deegaannada hoostaga halkaas oo dadka deegaanka sheegeen in uu ku dhibi jiray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa howlgalo kawada deegaanno hoostaga degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo maalmo kahor la wareegeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne hore oo ka hadlay Dagaalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

TikTok oo barteeda ka baabi’isay cinwaano ka badan todoba Milyan & sababtaka dambeysa

Caydiid Ali

Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal Maraykanku ka naxay (Sawirro)

Caydiid Ali