Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo War kasoo saaray Weerar cusub ay ku dileen xubno katirsan Al Shabaab

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyay duleedka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana duqeyntaasi lagu beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in dalab ka yimid dowladda Soomaaliya loo fuliyay duqeynta oo ka dhacday duleedka Xarardheere, waxa ayna sheegeen in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Dowladda Mareykanka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntan aysan waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac aysan kasoo gaarin dad shacab ah, waxa ayna xuseen kaliya in lagu waxyeeleeyay xubno katirsan Al Shabaab.

Mareykanka ayaana kordhiyay duqeynaha dhinaca cirka ah ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Al Shabaab, waxaana duqeyn maalmo kahor Mareykanka ka fuliyeen degmada Galcad ku dileen dagaalyahano badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo shaacisey in la laayey dabley Al-Shabaab lagu tuhmay oo bus weeraray

Caydiid Ali

Booliska dowlada Kenya oo gacanta ku dhigay Sadia Matani iyo faahfaahin laga bixiyey

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay Shirkad Shidaal baaris ka sameeneysa Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---