Senator guuldaro kala kulmay doorashada xubnaha Aqalka sare ee Hirshabelle

Guddiga doorashada Baarlamanka Hirshabele ayaa shaaciyey natiijada kursigii labaad ee ka mid ah kuraasta aqalka sare ee laga soo doorto Hirshabelle kaasoo ay ku tartameen labada Musharax ee kala ah Senator Maxamed Cusmaan Dhega-Juun iyo Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

Guddiga ayaa sheegay in Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) loo doortay inuu noqdo Senator ka tirsan Aqalka Sare afarta sano ee socota.

Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

Nuur Max’ed Geeddi (Canjeex) oo helay codad gaaraya (70) ayaa ka guuleystay musharaxii la tartamayey ee Senator Maxamed Cusmaan Dhega-Juun kaasoo isna helay(27)

Dhega-Juun oo afartii sano ee la soo dhaafay ahaa Senator ka tirsan aqalka sare ayaa baneynaya kursigan ka dib markii laga cod batay, isagoo noqonaya Senatorkii ugu horeeyey Hirshabelle ee waaya kursiga aqalka sare ee uu ku fadhiyey

Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
Maxamed Cusmaan Dhega-Juun

Maxamed Cusmaan Dhega-Juun ayaa markii lagu dhawaaay natiijada ka dib ka hadlay goobta isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay natiijada lagu dhawaaqay, wuxuuna u hambalyeeyey  Musharaxii ka guuleystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -