Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay tirada Odayaasha la bedelay iyo Qabiiladooda

Guddiga Doorashada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa ka hadlay isbadal lagu sameeyay qaar kamid ah Odayaasha Saxiixayaasha iyo sida Ahlu Sunna Xildhibaanada la siiyay uga qaadaneyso beelaha Xildhibaanada ku leh Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Galmudug Cabdinaasir Geelle Cilmi oo wareysi siiyay Warbaahinta Goobjoog ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan doorashada Galmudug iyo sida guddiga u xaliyay khilaafaad beelaha ka dhax jiray.

Mr Geelle ayaa beeniyay in la bedelay Odayaal badan oo kamid ahaa saxiixayaasha rasmiga ah ee wax kasoo dhisay Baarlamaankii hore ee Galmudug, waxa uuna kaliya sheegay in afar oday oo sadex kamid ah kasoo jeedaa Beesha Murusade la bedelay.

“ Odeyaasha saxiixayaasha waxaa ay ahaayeen 46, waxa la badalay waa 4 keliya, 3 Murusade ah iyo hal Sheekhaal ah, inta kale wax la taabtay ma jiraan, iyaga ayaana hadda shaqeeya”. ayuu yiri Gudoomiye Cabdinaasir Geelle.

Gudoomiyaha ayaan faah faahin ka bixin sababta rasmiga ah ee loo bedelay afartan oday uu sheegay in la bedelay, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in tirada odayaasha booskooda la bedelay ay ka badan yihiin afar oday.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Guddiga Doorashada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa ka hadlay heshiiska Ahlu Sunna lagu siiyay 20-Xildhibaan iyo sida loo qorsheeyay in beelaha uga qaataan Xubnaha laga siiyay Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Ahlu Sunna lagula heshiiyay in Baarlamaanka cusub laga siiyo 20-Xildhibaan, waxa uuna tilmaamay in sidoo kale lagu heshiiyay sida beelaha uga qaadanayaan Xildhibaanada.

“ Ahlu-sunna waad ogtahay waxaa lagula heshiiyey 20 xildhibaan, waxaa ay ku qaadan doonnaan heshiis la ogyahay, oo ah in beesha leh 8 xildhibaan wax ka yar ay ka qaadan karaan hal xildhibaan, beesha leh 8-12 xildhibaanna waxaa ay qaadan karaan labo xildhibaan halka beesha leh 15 xildhibaan ay 3 xildhibaan ka qaadan karaan”.ayuu yiri Mr Geelle

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug ayaa kusoo aadaya xili la sheegay in Odayaal badan oo saxiixayaal ahaa liiska laga saaray sidoo kale buuq ka dhashay liiska 20 Xildhibaan oo Ahlu Sunna soo gudbisay oo beelaha qaar diidan yihiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -