Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka shiray Hindise Sharciyeedka Hay’adda Nabbadsugida (Sawirro

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 12-aad ee guddiga joogtada ah ee golaha Shacabka.

Kulankan ayaa looga hadlayey hindise sharciyeedka hay’adda Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID).

Guddiga joogtada ee golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID) oo ay xukuumadu soo gudbisay.

Kulanka guddiga joogtada ayaana la iskula gartay in horgeeyo golaha shacabka, sidoo kale guddiga ayaa si qota-dheer uga dooday hirgelinta xeer-hoosaadka iyo ilaalinta kooramka xildhibaannada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -