Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo ka qarxay gobolka Sh/dhexe

Dagaal culus oo u dhexeeya dadka degaanka iyo ciidamada dowlada oo isku dhinac ah iyo Alshabab ayaa saaka waabarigii ka qarxay degaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabellaha dhexe.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid markii xoogaga Alshabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday ku soo qaadeen goobaha ay fadhiyaan ciidamada huwanta ee degaanka Hilowle gaab.

Daryanka rasaas culus iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa degaanka, waxaana ciriiri galay khadadka isgaasiinta degaanka, lamana oga illaa hadda khasaaraha dagaalka ka dhashay tiradiisa.

Degaanka Hilowle Gaab oo dabayaaqadii bishii hore laga qabsaday kooxda Al-shabab ayaa ku yaalla xadka goblada Shabellaha dhexe iyo Galgaduud.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiisaka Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Israa’iil oo si arxan daro ah u dilay Aabbe, xaaskiisa iyo carruur ay dhaleen

Cabdi Cade

Danjire Danjire Cali Cabdi Awaare oo lagu soo dhaweeyay xarunta Jaamacadda Carabta (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska Somaliland oo Hargeysa ku xirxiray rag fal dambiyeed yaab leh geysaneyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---