Wararkii ugu dambeeyey qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay qarax xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayey wararku sheegayaan in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay afaafka hore maqaayad ku taalla inta u dhexeysa guriga shaqaalaha iyo shineemo Somalia.

Xiliga uu qaraxu dhacayey ayaa waxaa maqaayada ku sugnaa dad badan oo halkaas ku fiidsanayey, iyadoo wadadu ay aheyd mashquul ka dhashay gaadiidka u kala gooshaya magaalada.

Ugu yaraan afar ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxan halka ku dhowaad toban kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo loola cararay isbitaalada Muqdisho, iyadoo wararka qaar ay intaas ka badinayaan khasaaraha.

Sidoo kale qaraxa oo aad u xoog badnaa ayaa burbur lixaad leh u geystay maqaayada la weeraray iyo dhismayaasha hareeraha ka xiga, waxaa sidoo kale gubtay gaadiid iyo mootooyin xiligaas marayey wadada.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Banaadir iyo Saraakiisha amaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo qiimeynaya khasaaraha goobta ka dhacay  welina lama hadlin saxaafada.

Inkastoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay masuuliyada qaraxan haddana kooxda Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay iney ka dambeysay kuwaasoo horey u sheegtay qaraxyo noocan ah oo horey uga dhacay Muqdisho iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -