Kaaliye ka tirsan Maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu xiray Muqdisho

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Dambi baarista ayaa xabsiga dhigay Kaalie katirsanaa Maxkamada Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in uu ku dhaqaaqay Musuq maasuq .

Amar kasoo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed ayaa lagu xiray Kaaliye Cabdul Qaadir C/llahi Xasan Shaango, waxaana booliiska wadaan baaritaano ku aadan dacwada Musuq maasuq ee lagu soo eedeeyay kaaliyahan.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta dowlada u sheegay inay wadaan baaritaanka 240-kiis oo ku aadan musuq ,waxa uuna cadeeyay marka baaristu soo dhamaato in cadaalada la horkeeni doono dadka dambiyadu ku cadaadaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ka hortageyso Musuq maasuqa haraadiyay Maxkamada dalka, waxaana inta badan laga cabtaa Musuq maasuq baahsan oo ka jira garsoorka dalka gaar ahaan Maxkamada gobolka iyo tan sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -