Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirweyne ka socda Dalka Liibiya (Daawo Sawirro)

Shirka Wasiirada Warfaafinta Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ka furmay Magaalada Tripoli ee dalka Libya, waxaana shirkaas  Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiir Daa’uud ayaa Shirka ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka si gaar ah guulaha laga gaaray dagaalka dowlddu kula jirto dagaalyahanada Al Shabab.

“Dagaalkaas najaxay ee guulaha laga gaaray waxaa ay Soomaaliya ku wajahdey saddex dhinac oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah; milateriga, xanibaadda dhaqaalaha argagixisada iyo dhanka aydoloojiyadda”, ayuu yiri Wasiir Aweys.

Wasiirka ayaa shirka u sheegay in warbaahinta Soomaaliya ay kaalin buuxda ka qaadaneyso dagaalka dhanka aydoloojiyadda (Fikirka) ee argagixisada looga soo horjeedo.

Dhanka kale Magaalada Tripoli ee dalka Libya oo shirka marti galisay ayaa sannadkaan loo aqoonsaday inay tahay caasimadda warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Related posts

Maxaabiis Israa’iliyiin ah & ajaaniib kale oo ku dhintay duqeyntii Jabalia

Caydiid Ali

Dowlada oo shaacisay Sababta keentay Dib u dhaca Aaska Marxuum Eng Yariisow

Cabdi Cade

Xabsi cusub oo loogu tala galay in lagu xiri haweenka oo xarigga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---