Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay Duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya

Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyn cusub oo lala beegsaday xubno katirsan Al Shabaab ka fuliyeen shalay oo Jimco ah deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Dhaxe.

War kasoo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ku fuliyeen weerarkan dhinaca cirka ah, waxaana duqeynta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeyntan diyaaradahooda geesteen lagu dilay lix dagaalame oo katirsan Al Shabaab, waxa ayna meesha ka saareen in duqeyhntan ay khasaaro kasoo gaartay dad shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka geestaan deegaannada ay joogaan Al Shabaab , waxaana weeraro badan oo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Walaalo ku eedeysnaa dilka nin Masuul ahaa oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey Shirka golaha wadatashiga & Rooble oo lagu cadaadinayo..

Caydiid Ali

Muxuu ku saabsanaa wadahadal khadka telefanka ku dhexmaray Farmaajo & dhigiisa Geelle?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---