Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Diyaarad ku burburtay magaalada Caabudwaaq iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Diyaarad jaad siday ayaa lagu soo waramayaa in ay ku burburtay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana diyaarada la sheegay in ay dhacday kahor inta aysan soo caga dhigan garoonka diyaaradaha Caabudwaaq.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradan burburtay kaddib markii ay lugaha u bixi waayeen xilli ay isku dayeesay in ay caga dhigato garoonka diyaaradaha magaalada Caabudwaaq.

Sawirro moobeel lagu qaaday ayaa laga arkayay diyaarada oo ku dhacday dhul bannaan oo geedo kuyaallaan, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro nafeed oo ka dhashay burburka diyaaradan jaadka waday.

Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiin katirsan maamulka degmada Caabudwaaq ayaa gaaray goobta diyaaradu ku buburtay, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaraha ka dhashay burburka diyaarada iyo waxa sababay oo rasmi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

CIA-da Maraykanka oo qasabtay Farmaajo & ciidanka diidan muddo kororsiga oo..

Caydiid Ali

Khayre oo furay shir looga hadlayo ganacsiga & Maalgeshiga Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddi Xildhibaano ah oo loo magacaabay baaritaanka dilalkii Gaalkacyo (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---