Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wadaad lagu helay inuu aflagaado u geystay Nebi Maxamed NNKH oo dil lagu xukumay

Maxkamad ku taalla gobolka Kano ee waqooyiga dalka Nigeria, ayaa wadaad caan ah oo diinta Islaamka ku caan baxay ku xukuntay dil toogasho ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu aflagaadeeyay Nebi Muxammad NNKH, kaasoo uu ku sheegay qaar kamid ah wacdiyo uu jeediyey.

Sheekh Abduljabar Naasir Kabara, ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waxa uu maamulka ku hayey xabsi, kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay been ka dhan ah Nabi Muxammad NNKH.

Xukunka dilka ah ee ay xukumaan maxkamadaha dalka Nigeria, ayaa dhif ah in la fuliyo. Taa beddelkeeda, dadka la xukumo, ayaa waxaa badanaa lagu hayaa xabsiyada muddo aan xad lahayn.

Kano ayaa waxay ka mid tahay dhowr iyo toban gobol oo ku yaalla waqooyiga dalka Nigeria, halkaasoo shareecada lagu dhaqmo, iyadoo uu ku lammaanan yahay sharciga cilmaaniga ah ee dalka.

Ninkan oo 52 jir ah, ayaa kasoo jeeda Dariiqada Qaadiriyada. Waxa uu leeyahay tiro aad u badan oo raacsan isaga, gaar ahaan gobolka Kano.

Aabihii waxa uu ahaa hoggaamiyihii dariiqooyinka ka jira Galbeedka Afrika, illaa uu geeriyooday sanadkii 1996-kii. Sheekh Cabduljabar, ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo kulan la yeeshay Taliyaasha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo si Jees jees ah uga hadashay duqeynta lagu hoobtay ee Isbitaalka Gaza

Caydiid Ali

Sargaal Ciidan oo Caawa la dilay iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---