Elon Musk oo isbedel yaab leh ku sameeyey siyaasadihii Twitterka lagu Maamuli jiray

Shirkadda Twitterka ayaa meesha ka saartay siyaasaddii lagu xakamaynayey wararka been abuurka ah ee la xiriira xanuunka COVID-19, taasoo haatan laga yaabo inay kor u qaado in shabakadda lagu wadaago wararka aan sugnayn ee ka dhanka ah xanuunka COVID-19.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dalka Shiinaha iyo meelo kale oo caalamka ah laga soo sheegayo inay kor u kaceen tirada dadka laga helay xanuunka COVID-19.

Tallaabadan ayaa su’aal gelinaysa, habka uu maamulka cusub ee shirkadda Twitter ula macaamilayo la dagaalanka macluumaadka khaldan ee lagu wadaago shabakaddan, maadaama maamulka cusub ee shirkadda iibsaday uu shaqada ka eryey kala bar shaqaalihii shirkadda.

Illaa haatan xog badan lagama hayo tallaabooyinka xiga ee ay shirkaddu qaadayso, sidoo kalena codsiyo loo diray si wax looga weydiiyo arrintan ayaanay ka soo jawaabin.

“Laga bilaabo bishan November 23-keedii, shabakadda Twitter ma dhaqan gelinayso siyaasadda la xiriira macluumaadka marin habaabinta wata ee COVID-19,” ayaa lagu sheegay qoraal ka so baxay maamulka shirkadda.

Maalqabeenka caanka ah ee Elon Musk oo dhowaan 44 bilyan ku iibsaday Shirkadda Twitterka ayaa isbedelo badan ka wada shirkadaas, isagoo wax badan ka bedelay siyaasadihii ay shirkadaas ku shaqeyn jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -