Dowlad Carbeed oo Badda ku riday 10 Kaare !! (Daawo Sawirada)

Waa suurto gal in ay wax lala yaabo kugu noqoto in dadka ka shaqeeya daryeelka deegaanku ay go’aansadaan in 10 kaare lagu rido badda si wax looga qabto xashiishka tuulan magaalada ay ku nool yihiihiin.

Waa se dhab oo arrintani waxay ka dhacday Lubnaan oo koox u ololeeya daryeelka degaanka oo ku nool magaalada Saydaa ayaa falkaa ku kacay, rajada ay qabaanna waxa weeyi in kaarayaashaa badda lagu guray aanay noqon doonin oo keliya wax dalxiiseyaasha soo jiita e, ay sidoo kale degaan haboon oo shacaabi ah u abuuri doonto kalluunka ku nool badda Mediterranean-ka.

Dad fara badan ayaa Sabtidii iskugu soo baxay si ay u daawadaan kaarayaashaas oo badda lagu gurayo oo lagu daadinayo meel xeebta u jirta 3 Km.

“Waxay halkani noqon doontaa seere ay ka helaan dadka quusa, waxa kale oo ay noqonaysaa meel kalluunku ku tarmo” ayuu yidhi Kaamil Kosbaar, oo ka mid ah ururka daryeeleyaasha xeebta Saydaa oo wakaaladda AFP la hadlay.

Waxa aanu ku rajo waynyahay in dhirta biyaha ka dhex baxda ee badda gunteeda ku taal si dhakhso ah u qarin doonto kaarayaashaas, taas oo suurto gelin doonta yoolka ururkooda ah oo in uu samaysmo “seere badda gunteeda ku yaal” oo noqon doona mid ka duwan muuqaalka xeebaha Lubnaan ee xashiishku ka buuxo.

Bishii Jeeneweri ayaa waxa soo baxay muuqaallo muujinaya xashiish tuulan xeebta dhanka woqooyi ee magaalo madaxda Bayruut.

Laakiin hawshani ma aha oo keliya mashruuc lagu daryeelayo deegaanka, [ee waxa ku ladhan ujeeddo kale] oo waxa ururku si kas ah kaarayaashaa ugu jeediyey dhanka dalka ay dhanka koofureed ollogga ka yihiin ee Israel.

Sida uu sheegay Kosbaar na waxa sidaa loo yeelay “si loo muujiyo diir naxa loo qabo Falastiiniyiinta”.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -