Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo xiray wadaad caan ah oo taageera kooxda Al-Shabaab

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada amaanka Soomaaliya ay xireen wadaad caan ah oo lagu eedeeyey inuu Al-shabaab ku taageero khudbadaha uu jeediyo.

Wararku waxay sheegayaan in wadaadkaan ciidamada amaanku kasoo xireen degaanka Ceelasha biyaha oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Shiikh Mustafa Cali Caanood oo khadiib ka ah masjid ku yaalla degaanka ceelasha biyaha ayaa la sheegay inuu jeediyo khudbado uu si toos ah ugu taageero fekerka diineed ee kooxda Al-shabaab.

Wadaadkan oo dadka qaarkood ay ku sifeeyaan inuu yahay xagjir aaminsan manhajka takfiiriga ah ee gaaleysiinta ayaa hadda ka hor jeediyey hadalo badan oo muran ka dhex dhaliyey bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka …

Cabdi Cade

Nin weerar khasaaro badan geestay ku qaaday Goob Mingiska lagu tumo oo kutaala Muqdisho

Cabdi Cade

Muxuu yahay hadalka ka soo yeeray Kim John Un ee ka nixiyey reer galbeedka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---