Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dal ay ciidamo ka joogaan Somalia oo hawada u diray Dayax gacmeed (Sawirro)

Dawladda Uganda ayaa ku guulaysatay inay hawada sare dirto Dayax gacmeedkeedii ugu horreeyey.

Dayax gacmeedkan oo ay in muddo ah samayntiisa ku hawlanaayeen Farsamo yaqaanno u dhashay dalkaas oo taageero ka helaya kuwo ka yimid dalka Japan ayaa noqday mid lagu guulaystay tijaabadiisa.

Waxaa lagu wadaa inuu hawlgalo bilowga sannadka foodda innagu soo haya ee 2023-ka.

Dayax gamceedkan Pearl AfricaSat-1 waxa loo adeegsan doonaa kormeerka hawada sare, kor joogtaynta cimilada, sahminta macdanaha iyo raadinta biyaha.

Waxaa lagu wadaa inuu qayb laxaad leh ka ciyaari doono ka hor tagga Masiibooyinka dabiiciga ah, qaabaynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sugitaanka xuduudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha caalamka oo War ka soo saartay ismari-waaga ka taagan doorashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee Q/Midoobay oo kulan xasaasi ah ka yeeshay Xaalada Somalia

Caydiid Ali

Shil argagax leh oo ka dhacay magaalada Muradnaga & dad ku dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---