Shacabka Maraykanka oo u dareeray codeynta doorashada xilliga dhexe (Sawirro)

Shacabka Maraykanka ayaa maanta u dareeray dhiibashada codadka doorashada xilliga dhexe oo ah mid dhacda labadii sanaba mar.

Dadweynaha ayaa soo dooran doona xubaha ku kala metela doona labada aqal ee sharci dejinta kuwaasoo tiradoodu tahay 435 xildhibaan oo aqalka Wakiilada ah iyo 35 xildhibaan oo aqalka Guurtida ah.

Doorashada maanta dhacaysa ayaa ah mid ka xiise iyo xamaasad kulul kuwii hore iyada oo foodda ay isku darayaan labada hoggaamiye ee kala ah Joe Biden iyo Donald Trump oo mid waliba doonayo sidii Xisbigiisu uu u yeelan lahaa tirada badan ee kuraasta.

Xildhibaanadda asal ahaan Soomaaliyadda ah ee Ilhaan Cumar ayaa ka mida xubnaha difaacanaya kuraastoodii hore.

Halka Maxamed OZ oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Turkiguna uu yahay Muslinkii ugu horreeyey ee loo saadalinayo ka mid noqashada Aqalka odayaasha.

Dacalka kale doorashada maanta qabsoomaysa ayaa ah mid walaac badan abuurtay, maaddama laga cabsi qabo in xisbiga Jamhuurigu uu ka hor yimaaddo natiijada doorashada. Si la mida tii dhacday sannadkii hore, xilligaas oo taageereyaasha madaxweyne Trump ay u daateen Guriga Wakiilada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -