Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo balanqaad taageero ah ka helay danjire Sebastian Groth

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Nairobi kulan Kula qaatay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Dowladda Jarmalka iyo Doorashooyinka Hal qof iyo hal cod ee Goleyaasha Deegaanka degmooyinka Puntland.

Danjiraha Germany ayaa sheegay in dowladiisu  diyaar u tahay inay Puntland ku taageerto Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee la qaban-qaabinayo, ayna kaalinteeda ka qaadan doonto.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Amb. Sebastian Groth iyo Dowladda Germany, taageerada iyo Iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya gaar ahaan Puntland, sida Mashaariicda ay ka taageeraan Hay’adaha Dowladda Puntland iyo doorkooda ku aadan hannaanka Dimuqraadiyadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqasho ku jooga Nairobi maalmahan, wuxuuna taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed u raadinayaa qorshihiisa ku aadan inuu doorasho dadweyne ka qabto Puntland inkastoo siyaasiyiin iyo dad kale oo reer Puntland ay diidan yihiin. iyagoo qaba in Deni uusan daacad ka aheyn qorshahan, uuna ku hoos qarinayo  muddo kororsi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada dil ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maroodi ku nool dalka India oo lagu arkay mucsijo aan horey loo arag (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Jabuuti oo meel xun isla gaaray & Wasiirka Arimaha Gudaha & James Swan oo madaxa …

admin
Taboola Ads ---