Siyaasiga Cabdiraxmaan Raabi oo soo bandhigay Aragtidiisa Doorashada Soomaaliya

Soomaaliya ayaa la filayaa dhamaadka sanadka soo socda ee 2020-ka in ay ka dhacdo doorasho, waxaana wali la isku raacin sidoo kale aan la ogeyn nuuca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonto.

Xisbiyada dalka ka jira iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay nuuca doorasho ee laga yaabo in ay ka dhacdo Soomaaliya, waxaana laga digay in doorashada noqoto kuwa lamid ah kuwii hore dalka uga dhici jiray.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Yuusuf Raabi ayaa soo saaray qoraal kooban uu uga hadlayo aragtidiisa ku aadan doorashada Soomaaliya ee la filayo in ay dalka ka dhacdo marka la gaaro 2020/2021 .

 Halkan ka akhriso aragtida Siyaasi Cabdiraxmaan Raabi

Aragtida doorashadda Soomaaliya 2020/2021 .

1. Dadka qaba in wadanku ka dhaco doorasho qof iyo cod : waxaan leeyahay lama xoreynin goboladii iyo degmooyinkii laga codeyn lahaa, lama baahinin Amnigii, lama tira koobin dadweynihi, awood dhaqaale iyo awood shaqaale xirfad doorasho leh lama diyaarinin,arrinta Somaliland lama xalinin ee naftiina ha dhibina dadkana ha dhibina.

2. Dadka qaba in xisbiyo Siyaasadeed lagu galo doorashadda : waxaan leeyahay Soomaaliya maanta kama jiro xisbi Siyaasadeed oo tayo leh laguna aamini karo talada dalka iyo Dadka, marka ay xisbiyadda Siyaasadeed ee Soomaaliya qaan gaaran oo yeeshaan biseyl Siyaasadeed goboladda iyo degmooyinkanna ku yeeshaan xafiisyo ilaahay ha inna gaarsiiyo.

3. Dadka qaba in loo noqdo doorasho dadban sidii xiligii madaxweyne xasan sheekh maxamuud : waxaan leeyahay 4 sanno kadib halkii 2016 ma sii taagnaan karno ee horey ha loo socdo wax yar.

4. Waxaan Qabaa : maadaama hormar laga sameyn waayay xoreyntii iyo Amnigii dalka, awood doorasho jirin, Arrinta Somaliland wali xal laga gaarin, maadaama xisbiyo tayo leh jirin oo ku baahsan dalka, inay muhiim tahay in la qabto doorasho DADBAN oo ka weyn tii la qabtay xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh ,si Dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka loo tuso in la sameeyay xoogaa yar oo horumar ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -