Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Putin iyo Erdogan oo ku heshiiyay in Soomaali loo diro qamadi lacag la’aan ah

Madaxweynayaasha waddamada Turkiga iyo Ruushka oo wadahadal yeeshay ayaa ku heshiiyay in dalal ay ku jirto Soomaaliya oo kuyaalla Qaarada Afrika loo diro qamadiga Ruushka oo lacag la’aan ah.

Rejeb Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ku heshiiyeen in in qamadiga Ruushka ka baxa ee soo mara badda madow ay si lacag la’aan ah loogu dhoofiyo dalalka Afrika ee saboolka ah.

“Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul.

Dowladda Ruushka ayaa Arbacadii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, waxaana dhoofinta qamadigan ka faa’iideesan doona dalal Soomaaliya ku jirto oo lacag la’aan lagu keenayo.

Madaxweynaha Turkiga ayaa marar badan ka codsaday qaar kamid ah dalalka caalamka in ay caawiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana Madaxweyne Erdogan shacabka Soomaaliyeed ku xasuustaan garab istaag marar badan u muujiyay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay Jowhar & askari ka tirsan AMISOM oo..

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliya oo Digniin adag soo saaray 

Cabdi Cade

Hal Arin oo fashilinaya Mucaaradka Dowlada Madaxweyne Farmaajo !!

admin
Taboola Ads ---