Ciidamadii Badbaado Hiiraan oo laga saaray Belad-weyne ka dib heshiis la gaaray

Kulamo ay lahaayeen Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha hoggaamineysay Ciidankii dhawaan qabsaday Xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu soo gebagebeeyey Beladweyne

Waxaa Kulamadan xal loogu raadinayay xiisadii ka taagneyd Baladweyne waxaana lagu gaaray heshiis hordhac ah oo Ciidankii la magac baxay Badbaadada Hiiraan looga saarayo Xarunta Maamulka, iyo xerada lama galaay.

Madaxweyne ku-xigeynka Hirshabeelle -Dabageed, Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Muqtar Xuseen Afrax iyo Odayaasha dhaqanka ayaa balan qaaday in la fulin doono shuruudo ay horey Ciidanka la magac baxay Badbaadada Hiiraan ugu xireen inay ka baxaan Xarunta Maamulka.

Ciidamadan oo ka soo horjeeday safar uu Beladweyne ku tegi lahaa Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa dalbaday in aan loo raacanin wax daalac ah, la bar beegsan karin, laguna soo oogin kiisas Maxkameed iyo in loo fasaxo Mushaharaad horey looga xayiray iyo In dib loogu celiyo xilal ay ka hayeen Ciidamada oo laga qaaday.

“Waxaan ku ammaanayaa Ugaas Yuusuf Ugaas Hassan Ugaas Khaliif hogaankiisa wanaagsan ee uu ku muujiyay in magaalada Baladweyne aysan u baahnayn dagaal iyo qalalaaso, isla markaana ay diyaar u tahay in ay doorashada ka dhacdo. Waxaa nasiib wanaag ah kuwii cayda iyo afxumada warbaahinta la taagnaa in ay garteen in masiirka iyo go’aanka beesha ay leeyihiin Ugaaska, Odayaasha Dhaqanka iyo shacabka, wixii ay diidaanna aan lagu loodin karin” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Waxbarashada DF C/llaahi Goodax Barre oo ka hadlayey heshiiskan hordhaca ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -