Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo looga Mahadceliyay Xukunkii dilka ahaa ee lagu fuliyay Axmed Ceydiid

War saxaafadeed kasoo baxay qoyska Wasiirkii la dilay ee howlaha guud Marxuum Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji ayaa soo dhaweeyay xukunkii dilka ahaa ee saakay lagu fuliyay askarigii dilka u geestay wiilkooda.

Qoyska wasiirkii la dilay ayaa sheegay in muddo ah raadinayeen cadaaladda u helida marxuum Cabaas Siraaji, waxa ayna xuseen in maanta oo sabti ah timid caddaaladii ay mudada dheer raadinayeen.

Waxa ay qoyskan si weyn ugu mahadceliyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay tilmaameen in uu xaqiijiyay in Soomaaliya cadaalad ka jirto, waxa ay sidoo kale u mahadceliyeen saraakiisha sar sare ee maxkamadda ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Galmudug oo ka shireysa dhibaato halis ah oo ka Jirto degaanada Maamulkaasi

admin

Shan dhacdo oo ku saabsan kullankii Kim Jong-un iyo Moon Jae-in (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo shacab badan kula hadlay Masjid ku yaalla Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---