Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo kulan Xasaasi ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Milatariga (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo Safar shaqo Baydhabo ujooga.

Kulanka Madaxweyne Laftagareen, Wasiirka Gaashandhiga iyo Taliyaha Xooga Dalka waxaa looga Hadlay Xoojinta Howlgalada lagu Ciribtirayo Al-shabaab iyo sidii looga sifeyn lahaa guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

Sida aan wararka ku helnay kulanka ayaa intii uu socday labada dhinac uga wada hadleen sidii degdeg loogu bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab  ee ku sugan gobolada Baay iyo Bakool .

Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaan wali si rasmi ah uga bilaaban howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, waxaana degmooyin iyo deegaano badan oo katirsan goboladaasi go’doomin ku haya kooxda Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in guud ahaan gobolada dalka ka bilowdo howlgalo dalka looga saarayo kooxda Al Shabaab, waxaana howglada hadda ka socdaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha ammaanka ee QM oo dowlada Somalia ku amaanay arrin muhiim ah

Caydiid Ali

Cumar Cabdirashiid: “Waa ayaan daro weyn caqabadaha hortaagan doorashada”

Caydiid Ali

Cabsi lasoo daristay Ciyaal Weerada Muqdisho iyo kooxaha Maan-dooriyaha ka ganacsada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---