Maxay ka wada hadleen Guddoomiye Aadan Madoobe & dhigiisa Mustafa Şentop?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlmaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Khadka Teleefonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop.

Labada masuul waxay  iska xog wareysteen xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka, iyagoo adkeeyey Xoojinta  xiriirka labada Barlaman ee Jamhuuriyadda Turkiga iyo Baarlmanka JFS.

“Waxaan khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Mudane Mustafa Şentop, waxaana kawada hadalnay xiriirka labada baarlamaan iyo dardar-gelinta shaqada guddiga saaxibtinimada labada baarlamaan. Sidoo kale waxaan iska xogwareysannay arrimaha gobolka iyo caalamka ee khuseeya dalalkeenna,” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Turkiga ayaa 12kii sano ee la soo dhaafay ahaa saaxiibka ugu weyn Somalia, iyagoo dowlada ka taageerayey arrimo badan oo ay ka mid yihiin amaanka, tababarka ciidamada, dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -