Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Muqdisho uga socda Ra’isul Wasaare Rooble iyo Gudoomiyaha aqalka sare

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xiligan Hotelka Decale ee ku dhax yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu kulan kula leeyahay Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka labada dhinac u socda oo albaabada u xiran yihiin ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in looga hadlayo khilaafka doorashada Xildhibaanada labada aqal ee gobolada Waqooyi iyo guddiga doorashada.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu soo waramayaa in Gudoomiyaha Aqalka sare kala hadlayo xal ka gaarista khilaafka ka jira guddiga doorashada ee matalaya Somaliland ay isku khilaafsan yihiin Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Xukuumada .

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa la filayaa in kulanka kadib warbaahinta la hadlo faah faahina ka bixiyo wadahadalka uu la yeeshay Ra’isul Wasaare Rooble iyo shirka doorashada ee socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia: Tirada dadkii ugu dambeeyey ee laga helay COVID-19 oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Duqeyn ka dhacday Ceelbuur oo lagu dilay xubno uu ka mid ahaa Madaxii Maaliyada Al-Shabaab

Caydiid Ali

Sheekh Xasaan iyo Xubno kale oo Soomaali iyo ajaaniib ah oo xayiraad la saaray (Magacyada)

Cabdi Cade