Akhriso: Magacyada 10-ka arday ee kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa caawa shaacisay natiijada imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare ee dalka Sanad dugsiyeedka 2017- 2018, kaasoo la fariistay bishii Maarso ee Sanadkan.

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan oo caawa Shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho, ayaa ka warbixiyey Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare dalka ee Sanad dugsiyeedka 2017-2018.

Wasiirka, ayaa sheegay Sanadkaan Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare ee dalka in ay u fariisteen 25,675 oo isugu jira 16,552 Wiil iyo 9,123 Gabdhood, isaggoo xusay in tirada Imtixaanka ka gudubtay ay tahay 20,030 Arday.

Wasiirka, ayaa xusay in Imtixaanka lagu qabtay 92 Xarumood oo Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ku yaalla, waxaana uu u mahad celiyey dhammaan intii gacan ka geeysatay qabsoomida Imtixaanka oo ay ugu horreeyaan Madaxda Qaranka.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa magacyada tobanka arday ee kaalimaha hore ka galay imtixaanka waxayna kala yihiin sidatan:-

1. Idiris Maxamed Cumar(Al-anwar).

2. Xuseen Cali Maxamed(Axmed Gurray).

3. Xasan Cabdullahi Sh. Cabdi(Khadiijo).

4. Jibril Cumar Cabdulle(Hoyga Xamar).

5. Maxamed Yusuf Cabdiraxman(Maxamud Xarbi).

6. Xaawo Siidow Maxamed(Alfajri Model).

7. Cumar Maxamed Muuse(Imaamu Maalik)

8. Maxamed Cabdullahi Nuux(Tadamun).

9. Cabdfitax Ibrahim Siraaji(SYL).

10. Maxamed Calas Diiriye(Amir Nur).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -