Toogasho askar lagu dilay oo caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Labo askari oo ka tirsan ciidanka milateriga dowlada Somalia ayaa caawa lagu dilay fagaaraha Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Askarta la dilay ayaa rasaas lagu furay xili ay joogeen goob ganacsi oo halkaas ku taalla sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cida ka dambeysay weerarkan, kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan iney fuliyeen rag hubeysan, halka warar kalena sheegayaan in askar kale ay geysteen.

Dilkaas ka dib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka dowlada Somalia oo halkaas ka wada baaritaano, waxayna ka qaadeen meydadka askarta la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -