Weerar ka dhacay Sh/hoose & khasaare xoog leh oo ka dhashay

Ugu yaraan lix askari oo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay Qarax Miino oo lala beegsaday gaari ka mid ahaa kolonyo ay la socdeen ciidamada oo ku sii jeeday Garoonka Ballidoogle oo ah xero milateri oo ay joogaan ciidamada dowladda iyo kuwa Mareykanka.

Askarta dhimatay ayaa la socday Gaari nooca dagaalka ah oo marayey inta u dhaxaysa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.

Gaariga miinadu haleeshay ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan oo ka dhashay qaraxa, waxaana meydadka askarta halkaasi ka qaaday ciidamadii kale ee la socday kolonyada.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaan weli ka hadlin qaraxan, hase ahaatee ciidamada dowlada ayaa baaritaano culus ka wada agagaarka goobta qaraxu ka dhacay, iyagoo xirxiray dad isugu jiray beeraley iyo xoolo dhaqato reer miyi ah oo halkaas ka dhowaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -