Dagaalka Qarniga Qarsoon ee dhinaca Internetka la isku adeegsanayo !!

Dhowr maalmood ka dib markii uu bilowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa Hackers ama budhcada internetku waxay werar ku qadeen oo jabsadeen website-ka Aqalka Kremlin-ka iyo sido kale xarunta kaydka xogta Wasaaradda Difaaca Ruushka, Marka kalena waxay u dheceen barta Tvga Dawladdu ku leedahay baraha bulshada, Kooxda ugu caansan adduunka dhanka hackers ee Anonymous, Ayaan iyagu ka labo labayn in ay qirtan falkaas in ay sameyeen.
Falkan ka dhanka ah Ruushka iyo wadamo kaleba adduunka sharci ahaan waa ka  “dambi”  kaas oo lagu muto ciqaabo adag. Markii la jabsaday baraha Ruushka ayey kuwii jabsaday ku fafiyeen warar kala duwan, sida tirada Ciidamada Ruushka ah ee lagu dilay dagaalka warkaas oo u dhignaa sidii ay Ukraine u dhigaysay warkeeda.
War kale oo lagu faafiyey baraha la dhacay ee Ruushka ayaa ciwaan loga dhigay fariin ku socota shacabka Ruushka waxana lagu yidhi qoraalka: “Waxaan idinku boorinaynaa in aad ka joogtan waalida Putin wado shacabow ha u dirina marna ubadkiina iyo ragiina goobta dhimashada”.
Kremlin-ka oo isagu heegan buuxa u aha ka jawaabista wararka la soo raxaan shubaayo, Ayaa ku tilmaamay gebi ahantoodba in ay yihiin kuwo been abuur ah, Ruushka ayaa isla markaana ku tookhayey in ay Ukraine la wareegayan, gacanta ku dhigayan maamulka magalada Kyiv madaxweyne Zelenskyna gacanta ku dhigi donaan sida ugu dhakhsaha badan.
Doc kale Khubarada millatariga dagaalka ayaA waxay ogaadeen bishii saddexaad ee dagaalka in Moscow ay ku guuldareysatay qiyaasteeda hubka jihowareerinta iyo fowdo kicinta gudaga kaas xiligan oo ah “dagaalka internetka.”
Arinta ayuu wargeys Maraykan ahi ka qoray maqaal dheer kaas oo uu ciwaan uga dhigay “wax yaab leh” taas oo uu wargeys ku sheegay in ciidamada Ruushku sameeyaan khaladaad keenay in ay Ukraine qabsato qaybo ka mid ah nidaamka hagaha dagaalka elektaroonigga ah ee Ruushka sida Krosno 4, kaas oo ka kooban laba qaybood oo kala ah, Nidaamka dagaalka iyo xarunta taliska oo soo ururisa dhamaan xogaha aaga, Gadhaysana Baaxad dhan ilaa 300 km.
Waxayna ka hortagi kartaa qaylo dhaan kasta ay arkaan dayax-gacmeedyada wax basaasa iyo diyaaradaha Awacs ee Maraykanku farsameeyo iyo weliba kuwa aan duuliyaha lahayn,
Ukraine ayaa dhanka uga tudh tudh roonatay dhigeeda ruushka marka waa sida ay qabaan khubaradu.
Balse Ruushku marna kama aamusin falkan lagu so qaaday ee waxa uu ku jawaabay in uu dagaalkan Internetka la geli doono Ukraine, isla markaana u abaabuli doono si deg deg ah ciidan milatari oo u gaara ka hortaga falalkan guracan ee lagu hayo Dalkiisa.
Ukrain ayaa iyana dhankeeda sii laban laabtay dagaalka elektaroonigga internetku hago waxayna bilowday hawl galo kala duwan, Iyada oo isticmaalaysa diyaaraha “Drones” kuwaas oo ay qayb ka yihiin kuwa Turkey ee “Bayraktar”.
Tvga Russia Today ayaa mar sheegay in Cutubyada Ciidanka Dagaalka internetka ah ee Ruushku qorsheynayaan inay helaan dayax-gacmeed u gaar ah iyaga.
Tv ga ayaana soo xigtay taliyaha ciidamada Ruushka ee ku dagaalanka elektiroonigga General Yuri Lastochkin isagoo sheegaya in Ciidamadiisu ay yeelan doonaan qaybta elektaroonigga ah ee hawada sare, kuwaas oo lagu dari doono macluumaadkooda hadhowna goobaha dagaalka ee ciidamada qalabka sida ka hawl galayan.
Dhanka kale Shabakadda Rossiyskaya Gazeta ayaa sheegtay in Moscow hada ay miciinsatay isticmaalka qalabyo kale oo ilaa xad wax ku ool ah, Kuwaas oo aad uga waxtar badan dhiggoodi hore iyo xata kuwa Dawladaha kale haystan, Waxayna u isticmaashaa habab kala duwan oo loo jaameeyo hawada, waxayna awood u leedahay inay baabuurta gaashaaman ka ilaaliyaan miinooyinka laga maamulo hawada sare.
Dhaqaale ahaan Khubarada internetka ayaa sheegaya in suuqa caalamiga ah ee warshadaha amniga internetka uu gaadhi doono $326 bilyan marka la gaadho sanadka 2027.
Muddoyinkii danbena waxaa kor u kacayey xiisadaha ay dawladaha caalamku u qabaan ka qayb noqoshada dagaalka internetka, jirista iyo helista xogaha Dalalka kale, maadaama uu yahay tartan cusub oo dhanka hubka ah, Kaas oo loo qaadan karo in uu bedeli karo Dagaaladii Nuclear-ka iyo kuwa biologaba, Uuna noqon doono mid ka mid ah Dagaalada ugu qadhaadh qarnigan, uguna jaban qiimo ahaan, Waayo waa Dagaal lagu ilaalin karo Sal dhigyo qarsoodi ah, Iyada oo laga kormeeri karo qalabyo sida mobilada, computerka waqti la joogo meelo ka baxsan Dalka sida hawada sare, badda iyo dhulkaba, isla markana aan la galayn wax khasaare weyn oo nafeed ah, Dagaalkan ayaa waxtar wayn u leh Dagaal qadaha, saamayn adagna ku keena Dagaal lagu so qaadaha,
Sababta oo ah waxa u burburin kara dhamaan dhaqdhaqaaqa nidaamyada cadowga.
Dagaalkan Internetka waa mid khatar badan ila xad maanta, tusaale ahaan Chinuhu wuxuu shaqaalihiisa dagaalkan ku hawlan ugu yeedha “Ciidanka buluuga ah”. Israa’iil aya iyaduna magacyo kala duwan ugu yeedha Ciidankeda waxayna ledahay Ciidami militari oo ku hubaysan Barnaamijyo internetka ah oo wax kharbuda, Kuwaas 24 saac ku jira Dagaal heegana, Israa’iil ayaa haysata in ka badan 3,500 askari oo si casri ah Dagaalkan Internetka ugu dirira.
Dagaaladan Internetka ahi maaha kuwo cusub oo maanta dhashay, Balse Waa dagaalo da’weyn oo qadiima, lkn so maray marxalado kala duwan, waxana uu aad u horumaray waqtigii kacaankii isgaadhsiintu caalamka ka hano qaaday, Kaas oo ka dhigay adduunka maanta mid jeebkaaga yar ku jira, indhahaagana hor keenay caro edeg oo idil si cod iyo muuqba ah. Dagaalkan ayaa sanadihii ugu danbeyey si xawliya uga socday guud ahanba adduunka  Tani waxay ku kaliftay Maraykanka, Ruushka, Chinaha, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed inay sharad ku galaan mustaqbalka dagaalka noocan ah in ay isku wajahaan, Kaas oo dhibaato weyn oo aan caadi ahayn u geysan kara adduunka. Runtiina ficil ahaan shabakadaha internetka ee Dalalkani leeyihii hada waxay isu rogeen goobo cusub oo colaado caalami ahi ka socdaan, Waana mid gabi ahaanba astaamihiisu ka duwan yihiin dagaalladii soo jireenka ahaa tariikhda ina Aadam ee uu yaqaanay, Marka la eego awooda wax qabadka qalabka dagaalku ka socdo adduunka digitaalka ah.
Tusaale ahan Waxa la sheegay in Ruushku farogelin internetka ah ku sameeyay doorashadii madaxtinimo Maraykanka sanadkii 2016, waxay ahayd isku day awodeed oo dhab ah, Taas oo Ruushku ku qaaday Maraykanka Dagaal internetka ah xili aanu qofna arkayn kamaradani qabanin farogelinta Ruushka.
Nasiib daro Wadamada soo koraya iyo kuwa saboolka ahiba iyagu wali way ka baxsanyihiin qaansada dagaalkan internetka, Mana jiro wax ay iyagu ka cabsanayaan lumintiisa iyo helistiisaba Xogaha, Marka laga reebo Hindiya iyo Pakistan kuwaas oo leh xirfado tignoolajiyadood oo heer sare ah, Waxana u weheliya barnaamijyo fara badan oo wax lagu jabsado, marka laga reebo in ay yihiin Dawlado Nukliyeer haysta oo sidooda looga cabsado Adduunka.
Taariikhda dagaalka noocan ahi waxa uu bilaabmay dhamaadkii qarnigii siddeed iyo tobnaad markaas oo la abuuray aaladda “Morse”, oo ahayd aalad fariimaha diri karta, Ka dibna waxaa horumriyey Engkii iyo hal-abuurkii Reer Talyaani ee Guglielmo Marconi, kaas oo caan noqday ka dib markii uu sameeyay aaladd Wireless leh, Taas oo ku habboon adeegsiga ciidamadanka, Marconi ayaa sido kale hal-abuuraha raadiyaha casriga ah.
Waaxaynu hadda marag u nahay Ruushka iyo Ukrain oo dhibaatadoda dagaalku ka bilaabmay xadka balse hada in badan in Dagaalkii isu bedelay mid internetka ah. In kasta oo ay jiraan dambiyo badan oo dhanka internetka laga galay Haddana Maxkamadda caalamiga ah ee dhanka dambiyadu weli may samayn wax baadhis ah oo ku saabsan xad-gudubyada ka dhacay internetka, kuwaas oo ay qayb ka yihiin Dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhexeya oo si xoogan loo beegsaday jabsiga dhanka internetka.
Inta badan Mabda aasaasiga ah ee Dagaalka internetka waxa u aha mid is difaacis ah, Kaas oo ka jawaabaya isku dayga faragelinta gardarrada ah ee Dalka uga imanaysa meelaha kale, Balse Dawladaha awooda ku tookha waxay ka dhigteen hada mid ay iyagu weerar ku qadaan iyaga oo Internetkii hub ka dhigtay. Waxana ka mid ah werarada ay u adeegsadeen elektaroonigga internetku hago tusaale ahaan, labadan weerar oo uu Maraykanku qaaday isaga oo internetka isticmaalaya kuwaas oo midkood lagu dilay  taliyihii ciidanka qudus ee Iran, Waa Qassem Soleimani waxana lagu dilay garoonka diyaaradaha Baqdaad, Isaga oo uu la socdo hogaamiyihii u qabiilsana Ciraaq Abaabulka Ciidanka taageersan Iran waa Abu Mahdi Al-Muhandis, bilowgii 2020.
Howlgalka kale oo isna loo adeegsaday elektaroonigga Internetku hago ayaa aha kii lagu dilay Bogaamiyihii Al-Qaacida, Ayman Al-Zawahiri oo lagu dilay barxada gurigiisa oo ku yaala caasimadda Afgaanistaan ​​ee Kabul, horaantii bishii Augusto inkasta oo aan faah faahin dheerada laga bixin werarka.
Weeraro kale oo dhanka internetka ah waxa qaaday Israa’iil marar badan kuwaas oo ay ku qaaday Qaza kuna gaysatay khasaar badan.
Ugu danbayntii
Haddii dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhexeya uu sii socdo ama uu xataa ku dhammaado si nabad ah, Dagaalka elektaroonigga ah ee Internetku hago ee u dhexeya labadan Dal iyo weliba kan Caalamka ka socda ma noqon doonaan kuwa halka ku joogsada, Ee waxay noqon karaa kuwo jira oo mustaqbalkana go’aamin kara awooda dagaalka casriga ah kaas bedeli doona dagaaladii hore tariikhda.
Waddan kasta oo aan lahayn hubkana waxa ku adkaan doonta mustaqbalka in uu sugo ammaankiisa gudaha.
Waxa Qoray: Eng Samaale Mo Somali
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -