Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

William Ruto oo Wadahadal la yeeshay Madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto ayaa wadahadal dhinaca telfoonka la yeeshay madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuru Kenyatta , oon ku farxin guusha saaxiibkiisii hore ee siyaasadda .

William Ruto, ayaa sheegay in uu xiriir dhinaca telfoonka la sameeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayna kawada hadleen arrimo dhoor ah ay kamid yihiin  doorashadii dhawwaan lasoo gaba gabeeyay uu ku guuleestay.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha la doortay sheegay in Uhuru kala hadlay isbadalkii dimuqraadiyada ee ka dhacay dalka Kenya iyo sidii looga shaqeyn lahaa in munaasabadda xil wareejinta ugu dhici laheyd hannaan wanaagsan.

Madaxweynaha xilka degaya ee Uhuru Kenyatta ayaa si weyn uga soo horjeeday in xilka madaxweynaha ku guuleesto kuxigeenkiisii hore William Ruto, waxa uuna Uhuro si weyn u taageeray musharaxa laga guuleestay ee Raila Odinga.

William Ruto ayaa la filayaa in dhawwaan xilka si rasmi ah ugala wareego madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhuro, waxa uuna marka uu talada la wareego la filayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub ee hoggaamin doonta talada dalka Kenya .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsiga Amin Qur’an Online oo fursad qaali ah u haya Qurbojoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Jubbaland oo lagala noqday Baasaboorka Diblumaasiga

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo Su’aal galiyay Cida ay yihiin Xoogaga Wadaniyiinta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---