Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir aad ugu dhawaa Farmaajo oo xil sare looga magacaabay Ururka IGAD iyo Dowladda oo…

Sida aan ku helnay xogo lagu kalsoonaan karo, Urur goboleedka IGAD ayaa xil sare u magacaabay wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Jamaal Maxamed Xasan.

Urur goboleedka IGAD ayaa u magacaabay Mudane Jamaal Maxamed Xasan madaxa xarunta isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka ee IGAD, waxaana magacaabistan timid isbuucyo kahor markii uu wareejiyay xilka wasiirka uu shan sanno hayay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya aan lagala sameyn wax wadatashi ah magacaabista Jamaal , waxaana wararka aan helnay sheegayaan in dowladda markii lagu wargaliyay magacaabistan aysan kala hor imaan diidmo.

Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya Jamal Maxamed Xasan ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn ugu dhawaa madaxweyne Farmaajo, waxaana  Jamal uu ahaa siyaasi saameyn badan ku lahaa dowladdii Farmaajo hoggaamin jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milatariga Soomaaliya oo howlgal ku dilay sargaal katirsan Al Shabaab iyo ciidamo uu watay

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo xariga ka jaray xarun dhexe oo loogu talo keydinta..

Caydiid Ali

Dagaal saaka dhexmaray ciidamada SSC & kuwa Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---