Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Madaxweyne Xassan Shiikh kala hadlay Isimada beelaha Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isimadu ay ka mid yihiin hogaanka bulshada, loona baahan yahay iney ka qeyb qaataan xoojinta iyo taageerida dowladnimada Soomaaliya, isagoo ku amaanay doorka ay had iyo jeer kaga jiraan arrimaha nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo wafdigiisa ay maalinta beri oo Isniin ah ay dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho ka dib wadahadal aan miro dhalin oo maalmihii la soo dhaafay uu la lahaa madaxda Puntland.

 

Related posts

Madaxweyne Qoorqoor oo Wareegto ku Magacaabay Wasiiro cusub (Magacyada)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kulan la qaatay ardayda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudan (Daawo Sawirada)

admin

Cabdirashiid Janan oo ku farxay Go’aankii Doorashada 16-ka kursi looga wareejiyay Garbahaarey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---