Toogasho ka dhacday Dugsi kuyaala magaalada Highlands Ranch (Daawo Sawirada)

Labo Wiil oo dhalinyaro hubeean ayaa rasaas xoogan ku furay dugsiga sare ee lagu magacaabo STEM oo kuyaala magaalada Highlands Ranch gobolka Colarado ee dalka Mareykanka.

Toogashada ay geesteen labadan dhalinyaro ayaa sababtay geerida hal qof iyo dhaawaca 7-qof oo kale, waxaana goobta toogashada ka dhacday si deg deg ah u gaaray ciidamada booliiska.

Mid kamid ah labada dhalinyaro ee weerarka geestay ayaa la aqoonsaday, Devon Erickson oo 18-sano jir ahaa ayaa la sheegay in weerarka qeyb ka ahaa, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in wiilkan isna la toogtay.

Madaxda ciidanka booliiska gobolka Colorado ee dalka Maryakanka ayaa sheegay in toogashada ka dhacay dugsi ku yaalla magaalada Highlands Ranch ay ka dhalatay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac.

Toogashada ayaa ka dhacday dugsiga sare ee lagu magacaabo STEM, kaas oo ay dhigtaan tiro ka badan 1,850 arday, kuwaas oo ka kooban xanaano caruurta jiiftaan iyo fasalada dugsiga sare.

Baabuurta dam-damiska, baabuurta gurmadka degdegga ah iyo baabuurta ciidanka booliiska ayaa goobta lagu arkayey. Waxaa kale oo la arkayey helicopterada gargaarka caafimaadka loogu talo galay oo ku soo degaya garoomada cagaaran ee iskuulka.

- Advertisement -