Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Beledweyn (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa oo ka dhacday xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo uu soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo masuuliyiinta kale ee gobolka, ayaa waxa ay qaybaha kala duwan ee shacabka ka dhageysteen warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaarta.

Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay bulshada reer Beledweyne ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran — isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamyeen kooxaha argagixisada — kuwaaasi oo lagu xoreeyay deeganno badan oo ka tirsan gobolka.

Related posts

Akhriso: Toban Balan qaad uu sameeyay Madaxweyne Gaas oo Fashil kusoo dhamaaday

Cabdi Cade

Aabe nin wiilkiisa dilay ku toogtay goob Fagaare ah oo ay dad badan joogeen

Cabdi Cade

Maxkamadda sare ee Kenya oo qaadaysa tallaabo yaab leh oo la xiriirta kiiska Badda

admin
Taboola Ads ---