Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Difaaca iyo taliyaha ciidanka XDS oo gaaray jiidaha dagaalka Hiiraan (Sawirro)

Wafti uu horkacayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaadhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur uuna qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yusuf Raage & Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa kormeeray fadhiyada kala duwan ee degaanada kala ah Xujuub, Baardheere iyo faaf Gumare oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

“Waxaan geesiyaasha ciidamada XDS iyo ciidamada degaanka ugu soo hambalyeeyey guulaha ay ka gaareen howlgaladii dhawaan laga hirgeliyey gobolka Hiiraan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga

Waxaa uu sheegay in gobolada dalka qaarkood gaar ahaan Hiiraan ay ka socdaan howlgalo lagu baacsanaayo Al-shabaab, ayna socon doonaan inta laga ciribtirayo kooxdaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa Yusuf Raage ayaa isna la hadlay ciidamada howlgalada ku jira qaarkood, wuxuuna u sheegay iney xoojiyaan waajibaadka ka saaran difaaca dalkooda iyo dadkooda, ayna ku beegsadaan cadowga goob walba.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Related posts

Xukuumadda oo ku bogaadisay mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed in ay la dagaalaan Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Jaaliyadda Beesha Karanle ee London oo ka digtay Dhul boob ka socda Dayniile (Daawo)

Caydiid Ali

Ciidamo si gaar ah loo diyaariyay oo maanta tababar ciidan loo soo xiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---