Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo xariga ka jaray Suuq laga hirgaliyay Matabaan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xariga ka jaray suuq wayn oo ganacsiga qudaarta ah oo laga hirgaliyay degmada Matabaan Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay hay’adda dhistay suuqaan oo ah mid wax badan kusoo kordhin doona ganacsiga deegaanka, waxa uuna faray maamulka degmada in hada wixii ka dambeeyo ganacsatada qudaarta loo fasaxo ku ganacsiga suuqaan.

Ugu danbayn Madaxweynaha ayaa shacabka reer Hirshabeelle ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan kor u qaadista ganacsiga ee dowladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Xalane ka dhacaya iyo Cadaadiska Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Fursad Shaqo oo ka banaan Bangiga Amal Xaruntiisa Muqdisho

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Madaxweyne Trump iyo Kim John Un oo markii ugu horeesay kulmay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---