Ciidamo Huwan ah oo la wareegay Deegaano dhoor ah oo Al Shabaab horey u heesteen

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa maamulka Hirshabelle ayaa maalmihii lasoo dhaafay dagaal kula jiray dagaalyahano katirsan Al Shabaab, oo ku sugnaa deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Dagaalka waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ay wehliyaan masuuliyiin kale oo katirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ciidan, waxa ayna xubnahan sheegeen in ay sii hoggaaminayaan dagaalka ilaa Al Shabaab aagaasi laga xureeyo.

Guddoomiyaha Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Bashiir Cabdirixman Sheekeeye ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah Al Shabaab kala wareegeen deegaano dhoor ah oo horey gacantooda ugu jiray kuna gaarsiiyeen khasaaro xooggan.

“Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug, Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo & waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha”  ayuu yiri Sheekeeye.

Howlgalka ka socda gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada hoostaga Matabaan iyo Maxaas ayaa waxaa ku biiray ciidamo hor leh oo dowladda u dirtay gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -