Duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday saldhig ay leeyihiin kooxda Al-shabaab

Dayuurado dagaal oo ay sida loo malaynayo ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka geystay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday buurta Surtaag oo ku aadan degaanka oo ku taalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin Al-Shabaab

Dad ku sugan degaano ku dhow buurtaasi  ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa madaafiicda weerarka duqeynta ah, balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Goobta laga duqeeyey ayaa ku dhow degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo dhawaan howlgallo ay ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa xoojisay weerarada ay ka geysato gudaha Soomaaliya tan iyo markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dhowaan degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

- Advertisement -