Ciidanka Liyu Boolis oo soo bandhigay Maxaabiis & hub ay ka qabsadeen Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada LiyuBoolis ayaa shaaca ka qaaday inay dagaaladii ugu dambeeyey Al-shabaab ka dileen 800 oo dagaalyahan gacantana ay ku dhigeen ku dhowaad 100 maxaabiis ah oo Al-shabaab ka tirsan.

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga gaarka ah ee Dowlad degaanka Soomaalida Sarreeye guud. Maxamed Axmed iyo Major Jeneral Tesfaye Ayalew oo ah Madaxa hawlgalinta Ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Al shabaab ka dileen 800 oo askari oo ay ka mid yihiin 24 sarkaal kuwaasoo ay madaxooda saarnaayeen Malaayiin Doolar.

Dhanka kale taliyaha ciidanka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ku dhawaad 100 ka tirsan dagaalyahanada kooxda Alshabaab.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay alshabaab ka furteen hub tiro badan oo isugu jira qoryaha waawayn ee daran-dooriga u dhaca,qoryaha yaryar iyo miinooyin ay rabeen inay ku gubaan deegaanka iyo dalka sida ay warka u dhigeen.

Taliyaha ayaa u mahad celiyey ciidanka Liyu Boolis oo ay sheegeen ineye dhabarka ka jabiyeen wax ay ugu yeereen cadowga argagixisada geeska afrika ee Al-shabaab wuxuuna u duceeyey kuwii naftooda u huray degaanka

Taliyaha ciidanka xoogga gaarka ah ayaa sheegay in sidoo kale bulshada degaanka dal iyo dibad uu mideeyey dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dhanka kale kale, Maxaabiista laga qabtay kooxda Alshabaab ayuu sheegay inay ula dhaqmaan si naxariis leh, maadaama ay yihiin dhalinyaro uu sheegay in la soo marin habaabiyey sida uu yiri.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -