Mid kamid ah ragii ka dambeeyay Qaraxii lagu dilay Wasiir Xasan Ibraahim oo la qabtay

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in ciidamada ammaanka howlgalo ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo kusoo qabqabteen kooxo amniga lidi ku ahaa.

Laftagareen ayaa sheegay in ciidamada dadka ay soo qabteen uu ku jiro nin kamid ahaa ragii ka dambeeyay qarax jimcihii lasoo dhaafay lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim (lugbuur).

Waxa uu sheegay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed in ay socdaan howlgalo amniga guud ee Baydhabo iyo deegaanada Koonfur Galbeed lagu xaqiijinayo, waxa uuna rejo ka muujiyay in dhammaan lasoo qabto ragii ka dambeeyay dilka Wasiir Lugbuur.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in qaraxyada Al Shabaab ka geesanayaan deegaanada Koonfur Galbeed ugu gon leeyihiin in ay indhaha uga jeediyaan howlgalada iyaga ka dhanka ah ee ka socda Koonfur Galbeed.

” Qaraxyada ka dhacaya Koonfur galbeed, waa mid ay  Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka Soomaalida ayuu yiri” Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Al Shabaab ayaa qaraxyo ay ka fuliyeen magaalooyinka Marka iyo Baydhabo ku dilay masuuliyiin katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed, waxaana qaraxyadan cabsi badan ka abuureen deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -