Ujeedku waa dhisidda dowlad heli karta kalsoonida Baarlamaanka ee ma aha shaqsi ama shaqsiyaal.!!

In kast oo la wada ogyahay xaaladdii isriixriixa dalku soo maray sanadihii la soo dhaafay iyo wixii ka dhashay doorashadii daahday, hadana waxaad moodaa inaanan wax badan laga baran oo is riixriixii madaxtinnimada maalinba uu heer joogo oo maanta waxa ay maraysaa in shaqsiyaadka siyaasadda ka agdhow uu midba midka kale tuhmaayo.

In kastoo dadka qaar ay leeyihiin waa siyaasad, hadana su’aashu waxa ay tahay, taasi dadka la metelaayo ma anfacaysaa dowladda lagu metelaayana ma u tahay mid ay taageero ku helayso?

Marka laga yimaado rabitaanka shaqsiga ah oo uu qof kastaahi rabo inuu isagu wax noqdo hadana waxaa jira waajib dowladda maalintaas saaran oo la rabo inay dadka u xusho dad dadkooda ka xigsan kara oo dowladda iyo dadka isu soo dhoweyn kara qabanna kara shaqadii Qaran ee loo igmaday. Sababta keeneysa in sidaa loo fikiro waa wixii aan soo marnay iyo weliba waxa suurtagalka ah haddii dowladda cusub ay dad badani ku qanci waayaan.

Soomaaliya kama bixi karto isjiidjiid iyo xasillooni darro siyaasadeed oo haraysa dowladda cusub waana wax la rabo in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Raisulwasaare Hamse inay aad uga feejignaadaan.

Tusaale; waxaa xalay ka billowday madaxtooyada shirar la rabay in mar hore la billaabo oo uu Madaxweynuhu la qaadanayo xildhibaanada maamul goboleedyada oo uuna ugu horraysiiyay maamul goboleedka Madaxweynuhu ka soo jeedo.

Waxaa soo ifbaxay isla markiiba in xildhibaanadii reer maamulkaas ka tirsan ay dhammaantood ka gaabsadeen inay tagaan shirkaas taasoo dadka qaar ku macneeyeen inay diidan yihiin masuulka la sheegay in dowladdu u wado inuu wasiirnimada reerkaas ku metelo.

Shaqsigan waa shaqsi reerkaas ku meteli kara masuuliyaddaas laakiin si loo helo deganaansho siyaasadeed waa in qof kaasina yahay qof xildhibaanadiisa ku qancin kara in dowladda dooratay ay ka heli doonaan saamiga ay ku leeyihiin sidaasna ay ku taageeraan.

Balse, haddii shaqsiga dowladdu rabto isu arko in jagada uu helaayo uu ku helaayo inuu milkiile ka yahay dowladda maanta, waxaa imaanaysa in inta maanta reerkaas Baarlamaanka ku metelaa aysan u arkin dowladda ay baarlamaankeeda ka tirsan yihiin mid aqbalsan in ay maanta dadkaas ku metelaan dowladnimada lagana yaabo inay dhaliso is fahanwaa keena in la gaari waayo degenaanta siyaasadeed ee ay madaxweyne Xasan iyo Xamse sheegeen inay dalka gaarsiinayaan.

Ugu yaraan waa in qof kasta oo loo dhiibaayo shaqadaa Qaran uu ugu yaraan inta badan oo xildhibaanada reerkiisa uu kalsoonida ka keensan karo si loo wada dhisto dowlad taageero buuxda ka helaysa baarlamaanka dalka.

Hadaba Maxaa la gudboon Wasiirka la hadal hayo iyo dowladda uu filaayo inuu ka mid noqon doono. Wasiirku waa inuu xildhibaanadiisa la fariistaa oo uu weliba weydiiyaa wixii keenay inay ka baaqdaan gogoshii madaxweynaha. Haddii marka ay caddaato in waxa la sheegaayo ay sax yihiin, waa inuu walaalahiis qanacsado kuna wargeliyo waxa uu ku meteli doono. Haddii sidaa wax lagu xalliyana waa sidii la rabay balse, waa inuusan Wasiirku u fahmin in madaxda dalku u ekaadaan kugu isaga dadkiisa ku qasbaaya oo dhalisa in dowladda uu ka tirsan yahay , xildhibaanadiisu u diidaan kalsoonida xattaa haddii dowladdaas la aqbalo.

Dowladdana waxaa la gudboon in shaqsiga ay xil wasaaradeed u dhiibaayaan uu yahay qof heli kara kalsoonida xildhibaanadiisa. Ma aha wax cusub, waana wax jiro doona inta dalku ka gudbaayo nidaamkan la isku metelo. Maalinta dalku gaaro xisbiyo oo xisbiyo la isku doorto ha ahaato maalinta Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo dhammaan Wasiiraddu ay ka yimaadaan Xisbiga ama isu taggii xisbiyada guulaystay.

Ujeedku ha ahaado dhisidda dowlad taageero ka heysada dadkii doortay oo waa in laga gudbaa wax kasta oo keeni kara kala shaki dhaliya isla shaqayn la’aan keenina karta xasillooni darro keenta dib u dhac. Dowladda waxaa dan u ah inay baarto wixii keenay inay xildhibaanadaasi ka baaqsadaan Kulankaas.

Wixii Faah Faahin ah ama fikir Fadlan E-mailka Hoose noogu reeb

Farah Abdi
Farahabdi1950@gmail.com

- Advertisement -