Bangiga Adduunka oo ansixiyay Lacag ku dhaw 100-Milyan oo Dollar oo lagu kabayo Miisaaniyadda DF

Bangiga adduunka ayaa ugu dambeyn ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar, oo loogu tala galay in lagu kabo  miisaaniyadda ku baxda ha’daha kala duwan ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Ansixinta lacagtan lagu kabayo miisaaniyada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa timid kadib markii dowladda buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa si weyn usoo dhaweeyay ansixinta lacagtan tirada badan ee lagu kabayo miisaaniyada dowladda federaalka, waxa uuna u mahadceliyay bangiga adduunka.

”Waxa aan u mahadcelinaynaa Baanka Adduunka oo ansixiyey ku dhawaad $100 milyan oo dollar oo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii heshiiska lagu ahaa oo ay ku jiraan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.
Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay in uu maanta saxiixo heshiiskan cusub, uu tilmaamay in ay gacan ka geysan doonto maalgelinta mustaqbalka dalkeenna.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -