Madaxweyne Zelensky oo Sabab layaab leh shaqada uga eryay Madax ku dhaweyd

Madaxweynaha dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shaqada ka eryay masuuliyiin aad ugu dhawaa, kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xariira in madaxdaasi xubno la shaqeenayay ay xiriir la yeesheen Ruushka.

Volodymyr Zelensky  ayaa shaqada ka ceeriyay madaxii amniga Ukraine Ivan Baka-nov iyo dacwad oogaha guud ee dalkaasi Irna Venedik-tova, waxaana masuuliyiintan la sheegay in qaar kamid ah waaxyaha xafiisyadooda xariir la leeyihiin Ruushka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Ukraine in ka badan 60 shaqaale horey uga tirsanaa dowladda Ukraine ay haatan la shaqeynayaan mas’uuliyiinta Ruushka ee ku sugan dhulka uu Ruushka qabasaday ee ku yaalla Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in boqolaal qof oo horey ugu shaqeenayay dowladda hadda la shaqeenayaan Ruushka, waxa uuna dadkaasi ku eedeeyay in ay galeen dambi qaran ayna ku socoto baaris.

Madaxdan katirsanaa dowladda Ukraine ee shaqada laga ceyriyay ayaan wali ka hadlin shaqo ka eryida lagu sameeyay iyo sidoo kale eedaha loo soo jeediyay, waxaana boosaskooda lagu bedelay masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -