Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea oo kala saxiixday Heshiis cusub oo Is faham ah

Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa gaaray heshiis is faham ah oo labada dal ku xoojinayaan xiriirkooda, waxaana heshiiska labada dal gaareen kala saxiixday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki .

Heshiiska is fahanka ee ay kala saxiixdeen Madaxda labada dal ayaa diiradda saarayay iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan sida siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, deegaanka, difaaca iyo amniga.

Wasaaradda Warfaafinta dowladda Eritrea ayaana baahisay heshiiska is fahamka ah ee kala saxiixdeen madaxda dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea, waxa ayna labada Madaxweyne isla garteen in heshiiska labada dal la xoojiyo ayna sameestaan iskaashi cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana soo gabogabeeyay g safarkii uu ku joogay dalka Eritrea kuna soo laabtay Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Eritrea kasoo sagootiyay Madaxweynaha Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay in weerarkii Kuliyadda loo xiray 14 Sargaal

Cabdi Cade

Madaweyne Qoorqoor iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo faahfaahin ka bixiyey Masuuliyiin loo xiray Musuq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---