Ciidamada dowlada oo la wareegay degaano cusub oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa maanta la wareegay degaano hoos taga degmada Aadan Yabaal iyo degaanka Ruun-nirgood ee Shabeellaha Dhexe, iyadoo aan dagaal dhicin kadib markii ay isaga baxeen Al-shabaab.

Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka tirtsan Golaha shacabka Soomaaliya waxa uu sheegay inay soo dhamaatay oraahdii aheyd ciidamada Mudullood way soo dil-dilloomayaan ee uu dhawaan sheegay Xildhibaan Sanbaloolshe, isagoo sheegay in uu ku qancay hadalkaas maadaama uu ahaa dhiirri gelin.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha Al-shabaab lagu gaarsiiyay degaanka Ceel-hareeri iyo Garas Magan oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Howlgalkaasi oo ay ka qeyb galeen Ciidanka Kumaandoska XDS ee Danab iyo Ciidanka Degaanka ayaa warku intaa ku darayaa inay barbar socdeen duqeyn dhanka Cirka ah oo lala beegsaday Al-shabaab

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xds ee Danab G/lle Axmed Cabdullaahi Beeryare ayaa sheegay in dagaaladii shalay ka dhacay degaanka Ceel-hareeri iyo Garas Magan lagu dilay ku dhowaad 100 dagaalyahan oo ay ku jiraan saraakiil.

Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay dagaaladii ka dhacay Garas Magan iyo Ceel Hareeri.

Waxa uu sheegay in dagaal kale uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Garas Magan oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ciidan Al-shabaab ah oo gurmad ahaan ugu socday Ceel Hareeri ay ciidanka xoogga dalka kula galeen dagaal culus, oo markii dambe lagu jabiyay maleeshiyada Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -