Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Guddoomiyay shir labo Degmo lagu ansixiyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada ee xukuumadda Galmudug, kaas oo maanta lagu qabtay degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga waxaana intaas kadib Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib Uheshiisiinta Galmudug ay hor dhigay golaha xukuumadda, in cod loo qaado degmaynta degmooyinka Baxdo iyo Wisil.

Golaha Wasiirada ayaa ka dooday iyadoona madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye uu cod u qaaday ansaxinta degmooyinkan, waxaana cod gacan taag ah ku ansixiyay golaha wasiirada, mana jirin cid ka aamustay, waxaana Baxdo iyo Wisil loo aqoonsaday degmooyin rasmi ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor gayn doonta golaha baarlamanka Gamudug, si ay waajibkooda uga gutaan, una sharciyeeyaan iyadoona ugu danbayn uu sixiixi doono madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye.

Related posts

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo lagu daray Liiska Argagaxisada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Somaliland oo Eedeyn layaab leh u jeedisay DFS

Cabdi Cade

Donald Trump oo kuxigeenkiisa usoo xushay Da’yar J.D. Vance

Cabdi Cade
Taboola Ads ---