Al-Shabaab oo si kulul u beenisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Xassan Shiikh

Al-Shabaab ayaa beenisay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in Al-Shabaab ay maalgelin siiyaan ururo ka dagaalama dalalka Mozambique iyo Nigeria.

Xassan Shiikh ayaa hadalkan jeediyey xili uu ku sugnaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaasoo uu wadahadalo kula yeeshay dhigiisa dalkaas.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab oo lagu faafiyey baraha internetka ee codkooda ku hadla ayaa hadalkaas ku tilmaamay wax qoslo oo aan sal iyo raad toona lahayn.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daraya in ay hadalada Xasan Sheekh caddayn u yihiin inuu fulinayo danaha wax loogu yeeray gumeystaha, uuna shirkado shisheeye iyo danahooda ka hormarinayo danaha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale,War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hadaladan ka soo yeeray Xasan Sheekh ay qayb ka yihiin qorshe midaysan oo Itoobiya, Imaaraatka Carabta iyo Turkey ku doonayaan inay dhulka iyo hantida Soomaaliya ku boobaan. sida warka loo dhigay.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in madaxweynaha DFS uu u gogol-xaarayo qorshihii dalka dhaqaalihiisa lagu burburin lahaa, dowladahaasna loogu gacan gelin lahaa.

“Eedeymahan waxay ku soo aadayaan xilli ay dalka ka jiraan abaaro ba’an oo dad iyo duunyo intaba saameeyay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka oo intaas ku daray in hadalka Xassan Shiikh lagu duugayo dayaca, karti xumada, iyo wax qabad la’aanta xukuumada ee dhinaca gurmadka abaaraha sida qoraalka ku xusan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AL-SHABAAB OO ENGLISH KU QORAN

- Advertisement -