Deni oo Dib u Magacaabay golaha Maxkamada Sare oo ay saakay diideen Baarlamaanka Puntland

Wareegto goordhaw kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayuu mar kale dib ugu magacaabay guddiga Maxkamadda Sare ee Dowlad goboleedka Puntland.

Dib u magacaabista deg dega ah ee guddigan uu sameeyay Madaxweyne Deni ayaa imaaneysa xilli goordhaw golaha Wakiiladda Puntland ay diideen in ay ansixiyaan golaha Maxkamasa sare ee Puntland uu horey usoo magacaabay Madaxweyne Deni.

Wareegtadan uu dib ugu magacaabay Madaxweyne Deni golaha Maxkamada Sare ee Puntland ayaa muujineysa in uusan ku qanacsaneyn go’aankii xildhibaanada Puntland, lamana oga go’aanka kale ay golaha Wakiiladda Puntland qaadan doonaan.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Deni goordhaw soo saaray.

MADAXWEYNAHA OO DIB U MAGACAABAY MAXKAMADDA SARE EE DOWLADDA PUNTLAND

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -